Pogba oo si mal dahan u sheegay in ay tahay markii ugu dambeesay uu kasoo muuqanayo dhacdada koobka aduunka

(World Cup) 24 Juunyo 2018. Xidiga Manchester United Paul Pogba ayaa shir jaraa’id uu ka soo muuqday wuxuu ku sheegay inuu aaminsan yahay in Koobka Aduunka ee Russia uu noqon doono kiisii ugu danbeeyay uu ka qeyb gali doono.

“Waxaa laga yaabaa inay noqoto markii ugu dambeeyay aan ka qeyb galayo koobka aduunka, ma garanayo in la ii yeeri doono, waxaa laga yaabaa in ciyaartoyda kale ay iga fiicnaan doonaan”.

Paul Pogba ayaa la kulmay xiliyadii lasoo dhaafay dhaleeceeno xoogan ee kaga timid jamaahiirta xulka qaranka France,  kadib markii uu lasoo muuqday qaab ciyaareed aan wanaagsaneen,

Laakiin Pogba wuxuu wali qeyb ka yahay qorshaha Didier Deschamps ee xulka qaranka France, xili ay haatan u gudbeen wareega 16-ka ee koobka aduunka 2018.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close