Mohamed Salah oo ka fariisanaya xulka Masar kadib koobka adduunka (Maxaa ku qasbaya go’aan kaan?)

(Moscow) 24 Juunyo 2018 Mohamed Salah ayaa si lama filaan ah u qaadanaya go’aan niyad jabinaya shacabka reer Masar.

CNN ayaa daaha ka qaaday in Salah uu qorshaynayo inuu ka fariisto u ciyaarida xulka Masar kadib markii madaxwaynaha Chechnya uu gudoonsiiyay dhalashada dalkaas.

Madaxwaynaha Chechnya ayaa xaflad casho ah u sameeyay xulka qaranka Masar, wuxuuna isla xafladaas Salah ku gudoonsiiyay dhalashada Chechnya.

Image result for Chechnya president Salah

Salah ayaan la dhicin arinkaas, wuxuuna diidan yahay in magaciisa lagu lifaaqo arimo siyaasadeed, sababtaas darteed ayuu uga fariisanayaa xulkiisa.

“Mohamed Salah waa uu ka caraysan yahay wixii ka dhacay Chechnya, mana uu doonayo inuu qayb ka noqdo arimo aan xiriir la lahayn kubadda cagta ama in loo adeegsado arimo siyaasadeed” ayuu CNN u sheegay qof u dhaw Salah.

Arintaan ayaa sifiican u soo kala cadaan doonta marka xulka Masar uu ciyaaro kulanka ugu danbeeya ee wareega guruubyada koobka adduunka.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close