Maurizio Sarri oo ku wajahan London si uu u badalo Conte (Goorma?)

(London) 24 Juunyo 2018 Wararka ka imaanaya talyaaniga ayaa sheegaya in tababare Maurizio Sarri uu ku wajahan yahay magaalada London ee dalka ingiriiska.

Tababare Maurizio Sarri ayaa ku guulaystay inuu si is afgarad ah u burburiyo heshiiskii uu ku la jiray Napoli oo hakadka ku haayay in Chelsea ay la wareegto 59 jirkaan.

Image result for Sarri Conte

Maurizio Sarri ayaa barri oo isniin ah u soo duulaya magaalada London si uu u dhamaystiro heshiiska uu ugu biirayo kooxda Chelsea.

Sarri ayaa qalinka ugu duugaya kooxda Blues heshiis 3-sano ah, wuxuuna sanadkii mushaar uga qaadan doonaa kooxda Chelsea 6-milyan oo euro.

59-jirkaan ayaa badal u noqonaya tababare Antonio Conte oo la filayo inuu ka tago Chelsea maalmaha soo socda.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close