Javier Mascherano oo sharaxaad ka bixiyay wararka ku aadan iney kasoo hor jeesteen Jorge Sampaoli

(World Cup) 24 Juunyo 2018. Javier Mascherano ayaa kasoo hor muuqday saxaafada kahor kulankooda saddexaad ay kula ciyaari doonaan Nigeria Group D ee koobka aduunka 2018. iyadoo saaxiibada Messi ay u baahan yihiin inay badiyaan islamarkaana guuldareystaan Iceland kulanka Croatia.

Mascherano ayaa faahfaahin ka bixiyay wararka sheegaya in Jorge Sampaoli la go’aamiyay in uu ka tagayo shaqada tababarka ee xulka qaranka Agantina kahor kulanka Nigeria, kadib markii ay kasoo hor jeesteen ciyaartoyda Tango.

“Xiriirka Jorge Sampaoli waa mid aad u wanaagsan”.

“Lionel Messi aad ayuu u dagan yahay, wuxuu la kulmay dhaleeceyn weyn, waa ciyaaryahan aad u muhimsan”.

“Waan hubaa inuu soo laaban doono, wuxuu runtii doonayaa inuu naga caawiyo sida aan guul ku gaari lahayn”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close