HORDHAC: England vs Panama

( Russia ) 24 Juunyo 2018. England ayaa fooda dari doonta dhigooda Panama Kulankooda labaad Group G ee cayaaraha koobka adduunka.

Harry Kane ayaa guul waqti dambe ah ku hogaamiyay xulka seddaxda Libaax oo kulankii daah furka 2-1 kaga adkaaday Tunisia, Halka dalka Markii u horeysay cayaarha Koobka adduunka ee Panama guuldaro kala kulmay qaranka Belgium.

Ogeysiiska cayaarta

Tartanka: Koobka Adduunka

Waqtiga: 03:00 pm Saacada Geeska Africa.

Garsooraha: Gehad Grisha (Egypt)

Garoonka: Nizhny Novgorod Stadium

Wararka Labada Koox

Laacibka qadka dhexe ee England Dele Alli ayaa seegi doona kulan maanta ay wajhayan England dhigooda Panama, sida waxa sheegay macalinka xulka Gareth Southgate.

Xiddiga Tottenham oo 22 jira ayaa soo gaaray dhaawac bowdada ah inkuu ay guusha ka gaareen isniintii xulka Tunisia.

Sawirr laga qabtay caawiyaha tababaraha England Steve Holland oo ahaa warqada tababarka ayaa waxaa ka muuqanayay in cayaariyahanka Ruben Loftus-Cheek  uu safka kooxda koowaad ka badalayo Alli.

Xulka markii u horeysay cayaaraya koobka adduunka ee Panama waxay guuldaro culus kala kulmeen Belgium kulankoodii daah furka tartanka oo ku idlaaday 3-0.

Sida darteed macalinka xulka Hernan Dario Gomez ayaa kal horaba xajiiqiyay in safkaa mid la mida uu kula dheeli doono England.

Xaqiiqooyinka cayaarta

Fool ka Fool

Kani waa kulankii ugu horeeyay ee koobka adduunka ku dhexmara England iyo Panama.

Panama waa kooxdii 38 ay England ku wajahdo koobka adduunka.

England ayaa mar kaliya qasaartay kulanka ugu horeeya ay la cayaareyso xul markii kowaad cayaaraya koobka adduunka shan kamida 37 kulan ay hore u cayaartay  waxayna kala yihiin USA, Spain, Uruguay, Hungary iyo Italy.

Waxay iyagu guul gareen labadooda kulan ee furitaanka koobka adduunka laba laba kol oo kala ahaa,  1982 iyo 2006.

Guushii ay Englands ka gaartay Tunisia waxay soo afjartay afar kulan xariir ah oo ay guuleysan wayeen koobka adduunka kulan barbaro ayay galeeb 3 cayaarna waa laga adkaaday.

Sido kale waa guuldaro la’aan 11-kii dheel ee u dambeysan cayaaraha caalimigaa waana 8 guula iyo 3 barbaro ah.

Guuldardii 3-0 ee kasoo gaartay Belgium, Panama ayaa la kulantay guuldaradii ugu weyneed ee xul markii u horeysay cayaaraha koobka adduunka uu la kulmo  tan iyo Ukraine oo 4-0 kala kulantay Spain sanadkii 2006.

Xulkii u dambeyay ee la kulma qasaaro waxa ka badan seddax gool kulamadooda furitaanka koobka adduunka wuxuu ahaa Greece cayaarihii 1994, wuxuuna mid 4-0 kala kulmay Bulgaria iyo  Argentina.

Dhanka kale Panama ayaa la siiyay shan jaalo kulankii Belgium taa oo ka badan in shuud oo ay ku bartilmaameed sadeen goolka cayaarta waana laba shuud.

Shaxda macquulkaa ee England vs Panama.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close