Yaa loo doortay xiddiga garoonka kulankii Mexico ay guusha ka gaartay South Korea?

(Moscow) 23 Juunyo 2018 Xulka qaranka Mexico ayaa guul muhiim ah caawa ka gaaray dhigiisa South Korea laakiin wali ma xaqiijin u soo bixida wareega 16-ka.

U soo bixida wareega 16-ka ee xulka Mexico ayaa haatan ku xiran natiijada kulanka Germany iyo Sweden oo goor dhaw bilaabanaysa.

FIFA ayaa u dooratay Javier Hernandez Chicharito xiddigii ugu fiicnaa ciyaarta maadaama uu 3-dhibic farta ka saaray xulkiisa.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close