Yaa loo doortay xiddiga garoonka kulankii Germany ay guusha ka gaartay Sweden? (Ma ahan Kroos)

(Moscow) 23 Juunyo 2018 Xulka qaranka Germany ayaa soo nooleeyay rajadii uu ku difaacan lahaa koobka adduunka kadib guushii Sweden.

Toni Kross ayaa guul soo daahday farta ka saaray xulkiisa kadib markii uu gool ka dhaliyay Sweden waqtigii dhimashada.

Laakiin FIFA ayaa u dooratay xiddiga garoonka laacibkii dhaliyay goolka hore ee Marco Reus kaas oo ciyaarta dib ugu soo celiyay xulkiisa bilowga qaybtii labaad.

Germany ayaa u baahan guul kulanka ay la ciyaarayaan South Korea si ay ugu soo gudbaan wareega 16-ka.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close