Xiriirka kubadda cagta Soomaaliya oo qalab ku doonsiin doono kooxaha ciyaaraya horyaalka dhalinyarada

(Muqdisho ) 23 Juunyo 2018. Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta ayaa dadaal ugu jira soo noolaynta awooddii Indian Ocean, waxaana aas-aaska ay ka soo billaabayaan qaybta hoose.

Sanadkii saddexaad oo xiriir ah ayaa lagu wadaa dalka in uu ka qabsoomo horyaalka dhalinyarada oo ay ka qayb qaadanayaan xiddigo da’yar.

Maanta oo sabti ah ayaa loo qaybin doonaa agabkii ay ku ciyaari lahaayeen,iyadoo tartanka uu furmi doono maalinta isniinta ah.

Marki la billabay qabashada tartankaan ayaa waxaa guul wayn u soo hoyatay dalkeena, mahadaama ay Finalka gaareen cayaaraha bariga iyo bartamaha Africa ee CECAFA.

Qorshaha aas-aaska oo qaybta hoose laga soo billaabayo ayaa noqotay mid guulaysatay, iyadoo wadamo badan ay qayb ka tahay  Spain ay guulo waawayn ku gaareen.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close