Wenger oo marmarsiiyadaan u sameeyay keydka Ozil uu ku soo bilowday kulanka Sweden

(Moscow) 23 Juunyo 2018 Tababare Joachim Low ayaa keydka u dhaadhiciyay Mesut Ozil kulanka haatan ay la ciyaarayaan xulka qaranka Sweden.

Laacib kaan ayaa qaab aan lagu qancin u ciyaaray kulankii Mexico, taageerayaasha xulka Germany ayaana codsaday in keydka la fariisiyo.

Image result for Wenger Ozil

Tababarihiisii hore ee Arsene Wenger ayaa sheegay in Ozil uusan si buuxda taam u ahayn, wuxuuna cadeeyay inuu qabo dhaawac dhanka dhabarka ah.

“Xiliciyaareedkii hore Ozil wuxuu la dhibtooday xanuunka dhanka dhabarka ah, wuxuuna diiday inuu ka fogaado garoomada, laakiin aniga ayaa si qasab ah uga saaray shaxda kooxda” ayuu yiri Arsene Wenger oo falanqeeye ka ah beIN Sports.

“Ozil waa dagaal yahan leh aqli guuleed, guul ayeey u ahayd Arsenal inay sii haysato xili ay xiisaynayeen kooxaha ugu wayn yurub”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close