RASMI: Douglas Costa oo seegaya kulanka Brazil iyo Serbia ee koobka aduunka 2018

(World Cup) 23 Juunyo 2018. Xidiga kooxda Juventus Douglas Costa ayaa la xaqiijiyay inuu ka maqnaan doono safka xulkiisa qaranka Brazil kulnka Serbia ay kaga soo xeran doonaan group-ka E ee koobka aduunka 2018.

Douglas Costa ayaa kulankan ku seegaya sababa la xiriira dhaawac. Sida la xaqiijiyay.

Laacibka kooxda Juventus Douglas Costa ayaa badal ku yimid kulankii Costa Rica ee shalay kaasoo xulka Samba uu guul ku gaaray 2-0 ay kala dhaliyeen xidigaha Philippe Coutinho iyo Neymar Jr.

Laakiin xidiga oo dhawaan kasoo kabtay dhaawac uu ku maqnaa ayaa markale dhaawac ku seegaya kulankooda 3-aad ee heerka group-yada ay kula ciyaari doonaan Serbia.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close