Miralem Pjanic oo gaaray Barcelona iyo wiilkiisa oo bixiyay qishkaan

(Barcelona) 23 Juunyo 2018 Kubadd abuuraha kooxda Juventus ee Miralem Pjanic ayaa gaaray magaalada Barcelona xili lala xiriirinayo kooxda tababare Valverde.

Wargayska Sport ayaa daaha ka qaaday in 28 jirkaan uu u yimid dalka Spain inuu ku qaato fasaxa xaggaaga, waxaana wehlinayay caruurtiisa, wuxuuna Barcelona uga sii gudbayay magaalada dalxiiska ee Ibiza.

Wiilka Miralem Pjanic ayaa la arkayay isaga oo xiran maaliyada kooxda Barcelona gaar ahaan funaanada lambar “10” ee Lionel Messi.

Arinkaan ayaa loo fasirtay in wiilku uu qish ka bixinayay mustaqbalka aabihiis iyo halka uu ku wajahan yahay.

Waxaa xusid mudan in Barcelona ay loolan adag kala kulmayso Chelsea oo la sheegay inay bixinayso 70 milyan oo Ginni.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close