“Kulanka aan la ciyaari doono Morocco ma ahan mid sahlan”…Fernando Hierro

(Russia) 23 Juunyo 2018. Macalinka xulka qaranka Spain Fernando Hierro ayaa xaqiijiyay in kulanka ay la ciyaari doonaan Morocco ee koobka aduunka 2018 uusan ahayn mid sahlan.

Waxaa 25-ka bishan June ee ku beegan maalinka isniinta soo aadan fooda isku dari doono wareega saddexaad xulalka Germany iyo Morocco.

Fernando Hierro ayaa shir jaraa’id uu kasoo muuqday wuxuu kaga hadlay halsta kaga imaan karta kulanka Morocco.

“Way adag tahay inaad si wanaagsan kula ciyaarto koox u difaac tameysa si wanaagsan, laakiin hadii aan dooneyno inaan guul gaarno waa inaan soo bandhignaa awoodeena oo dhan”.

“Kulamadan oo kale waxay noqonayaan kuwo aad u adag, gaar ahaa xili Morocco uusan saarneen wax cadaadis ah maadaama ay xili hore si rasmi ah u xaqiijiyeen inay isaga hareen koobka aduunka 2018”.

“Suuragal ma ahan in ciyaartoyda aad ka dalbato inay sameeyaan wax ka duwan sidii hore, in sidaas la sameeyo waa wax laga xumaado”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close