Koobka adduunka 2018 oo Rikoorka dhanka gool ku laadka ka jabiyay kii 2014 (26 kulan kaliya ayaa lagu dhigay …)

(Moscow) 23 Juunyo 2018 Koobka adduunka ee haatan ka socda dalka Ruushka ayaa jabiyay rikoorkii dhanka gool ku laadka ee kii 2014.

koobkii adduunka ee 2014 ayaa la ciyaaray 64 kulan, waxaana la dhigay kaliya 13-gool ku laad taas oo noqonaysa tiro aad u yar marka lala barbardhigo kan haatan socda.

Carlos Vela ayaa gool ku laad hogaanka ugu dhiibay xulkiisa Mexico, gool ku laadkaas ayaa ahaa kii 14-aad ee laga dhigo koobka adduunka ee 2018 xili kulankaan uu yahay kii 26-aad ee la ciyaaro.

14-ka gool ku laad ee ilaa haatan laga dhigay koobka adduunka waxaa la dhaliyay 11-gool ku laad, waxaana la khasaariyay 3-gool ku laad oo uu ku jiro kii uu khasaariyay Messi kulankii Iceland.

Tirada gool ku laadyada la dhigayo koobka adduunka ee haatan socda ayaa la qiyaasayaa inay kordhi doonto maadaama la adeegsanayo tignoolojiyada muuqaalka ee VAR.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close