Joao Moutinho oo shaki laga muujinayo inuu ciyaari karo kulanka Iran

(Moscow) 23 Juunyo 2018 Xiddiga qadka dhexe ee xulka Portugal ee Joao Moutinho ayaa shaki laga muujinayaa inuu taam u yahay kulanka Iran.

France Football ayaa daaha ka qaaday in 31 jirkaan uu seegay tababarkii saaka ee xulka Portugal uu isugu diyaarinayay kulanka Iran.

Image result for Joao Moutinho Portugal 2018

Joao Moutinho ayaa la xanuunsan hergab, sababtaas ayaana keentay inuu ka maqnaado tababarkii saaka ee xulkiisa.

Xulka qaranka Portugal oo wali aan xaqiijin u soo bixida wareega 16-ka ayaa Iran la ciyaaraya isniinta.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close