Ciyaartoyda xulka Argentina oo ku kacsan tababare Jorge Sampaoli (Maxay damacsanyihiin)

(Moscow) 23 Juunyo 2018 Xiriirka u dhexeeya tababare Jorge Sampaoli iyo ciyaartoyda xulka qaranka Argentina ayaa hoos u dhacay tan iyo guul daradii ka soo gaartay Croatia.

Ciyaartoyda ayaa ku eedeynaya Jorge Sampaoli mid aan u qalmin inuu hogaamiyo xulka kadib markii uu iska qalday shaxda kulankii Croatia iyo kii Iceland.

TV-ga TyC Sport ee dalka Argentina ayaa daaha ka qaaday in ciyaartoyda xulka Argentina ay doonayaan inay inqilaab ku sameeyaan tababare Jorge Sampaoli.

Go’aanka ciyaartoyd ayaa ah inaysan ku qanacsanayn Jorge Sampaoli waxayna codsanayaan in la cayriyo kadib niyad jabkii Croatia.

Madaxwaynaha xiriirka kubadda cagta Argentina ayaa ku wargaliyay tababare Jorge Sampaoli in go’aanka xulka uusan kaligiis lahayn waxa haatan ka danbeeya taas oo ka dhigan in lala soo xuli doono shaxda xulku uu ku ciyaarayo kulanka Nigeria.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close