Cesc Fabregas oo dood ka qaba 4-tii gool ee Ronaldo uu ka dhaliyay koobka adduunka (Muxuu ka yiri?)

(Moscow) 23 Juunyo 2018 Xiddiga kooxda Chelsea ee Cesc Fabregas oo boos ka waayay xulkiisa Spain ee ka qayb galaya koobka adduunka ayaa dood ka qaba goolashii Ronaldo.

Cristiano ayaa 3-gool ka dhaliyay xulka Spain, sidoo kale goolka guusha ayuu ka dhaliyay xulka Morocco kulankiisii labaad.

Image result for Fabregas Ronaldo

Laakiin Cesc Fabregas ayaa sheegay in dhamaan goolashaas aysan ahayn wax la buun buuniyo maadaama ay yihiin gool ku laad, kubadd koornada laga soo qaaday iyo laad xor ah.

Cesc Fabregas oo u muuqda mid aan la dhacsanayn goolasha Ronaldo ee koobka adduunka ayaa yiri:

“Haa, qaab ciyaareed fiican ayuu soo bandhigayaa, laakiin haddii aad dib u raacdo 4-tii gool ee uu dhaliyay waxaa noo soo baxaya inuu dhaliyay gool ku laad, laad xor ah, mid kale oo koornada laga soo qaaday iyo kubadd ay ahayd De Gea inuu qabsado”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close