Ante Rebic goolkii uu ka dhaliyay Argentina ayaa ka hor istaagay inuu helo funaanada Messi!

(Moscow) 23 Juunyo 2018 Weerar yahanka xulka qaranka Croatia ee Ante Rebic ayaa si cad u sheegay in goolkii uu ka dhaliyay Argentina uu ka hor istaagay inuu helo funaanada Messi.

Ante Rebic ayaa ahaa xiddigii niyad jabka ku bilaabay xulka Argentina kadib markii uu ka dhaliyay goolka hore isla markaana uu hogaanka u dhiibay xulkiisa Croatia.

Wuxuu sheegay inuu qorshaynayay in Messi uu ka qaato funaanada laakiin uu iska dhaafay kadib goolkii uu ka dhaliyay iyo dabeecad xumada ay ku ciyaarayeen ciyaartoyda Argentina.

Image result for Ante Rebic Messi

“Hadaan runta ka hadlo, waxaan doonayay inaan helo funaanada Messi si aan u siiyo mid kamid ah asxaabtayda oo aad u jecel” ayuu yiri Ante Rebic.

“Laakiin dib ayaan uga laabtay codsigaas kadib markii aan arkay qaabkii xumaa ee ay u ciyaarayeen ciyaartoyda Argentina”.

“Aad ayaan uga niyad jabay hab dhaqanka ciyaartoyda Argentina iyo inaysan u ciyaarin si nadiif ah”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close