Yaa loo doortay xiddiga garoonka kulankii Brazil ay guusha gaartay (Neymar mise Coutinho)?

(Moscow) 22 Juunyo 2018 Xulka qaranka Brazil ayaa guul soo daahday ka gaaray dhigiisa Costa Rica kulan labada xul ay jilbaha isku aasteen.

Coutinho ayaa ka fujiyay xulkiisa waqtigii dhimashada markaas oo uu kiciyay taageerayaasha xulka Brazil, Neymar ayaana u sii raaciyay gool kale.

FIFA ayaa u dooratay xiddigii ciyaarta laacibka Barcelona ee Philippe Coutinho kaas oo waqti xun ka fujiyay xulkiisa.

Brazil wali ma xaqiijin u soo bixida wareega 16-ka halka xulka Costa Rica uu sidaas uga haray koobka adduunka.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close