Ahmed Musa oo ku guulaystay abaal marinta xiddiga garoonka kulankii Iceland

(Moscow) 22 Juunyo 2018 Weerar yahanka xulka Nigeria iyo kooxda Leicester City ee Ahmed Musa ayaa ku guulaystay xiddiga garoonka kulankii Iceland.

Ahmed Musa ayaa guul muhiim ah ku hogaamiyay xulkiisa caawa kadib markii uu lugtiisa ku keenay labada gool ee xulkiisa uu guusha ku hantay.

Waxaana loo doortay inuu yahay xiddigii ugu fiicnaa kulankaas maadaama uu 3-dhibic oo nadiif ah uu farta ka saaray xulkiisa.

Nigeria ayaa kulan nolol ama geeri ah la ciyaari doonta talaadada xulka qaranka Argentina.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close