Xiddigii casaanka ka qaatay Colombia oo dil loogu hanjabay iyo Booliiska oo baaraya!

(Colombia) 21 Juunyo 2018 Booliiska dalka Colombia ayaa baaraya hanjabaad dil ah oo la soo gaarsiiyay xiddigii casaanka ka qaatay xulka Colombia kulankii Japan.

Carlos Sanchez ayaa casaan qaatay bilowga ciyaarta kulankii xulka Colombia looga adkaaday 2-1, masuuliyada guul daradaas ayaana isaga dhabarka loo saariyay.

France Football ayaa daaha ka qaaday in 32 jirkaan reer Colombia uu la kulmay fariimo loogu hanjabay dil kadib casaankii uu qaatay kulankii Japan.

Kooxaha ka ganacsada mukhadaraadka ee dalka Colombia ayaa dil ugu hanjabay Carlos Sanchez kadib markii uu ka khasaariyay lacag fara badan oo ay sharad u dhigteen kadib guul daradii soo gaartay xulka.

Booliiska Colombia ayaa haatan baaraya dadkii soo diray fariimahaas si loo hubiyo amaanka Carlos Sanchez.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close