Sergio Ramos oo markale kaga careesiiyay jamaahiirta caalamka dhaawacii uu u geestay Mohamed Salah

(Real Madrid) 21 Juunyo 2018. Wargeyska “Metro’ ee dalka England ayaa wuxuu sheegay in kabtanka xulka qaranka Spain iyo kooxda Real Madrid Sergio Ramos uu markale sameeyay xaalad ay kaga caroon karaan jamaahiirta aduunka, sababa la xiriira in uu si ula kac ah u dhaawacay Mohamed Salah.

Mohamed Salah ayuu dhaawac kasoo gaaray fiinalkii Champions League, taasoo sababtay inuu seego kulankii kulankii ugu hoereeyay ay ka ciyaareen koobka aduunka, kaasoo uu xulka Uruguay guul kaga gaaray 1-0.

Wargeyska ayaa sheegay in Ramos uu soo dhigay baraha bulshada sawirka Mohamed salah oo ka murugeesan kadib guuldaradii 3-1 ahayd ee kasoo gaartay marti galiyaasha Russia

Taasoo ka careesiisay jamaahiir fara badan markale sheekada la xiriirrta dhaawaca Mohamed Salah, kaasoo dhaawaan uu kasoo kabtay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close