Jordi Alba oo ka hadlay wararka la xiriirinaya kooxda Tottenham

(Barcelona) 21 Juunyo 2018 Daafaca Kooxda Barcelona ee Jordi Alba  ayaa ka hadlay wararka la xiriirinaya kooxda Tottenham ee dalka ingiriiska.

Xiddigaan ayaa mugdi la galiyay mustaqbalkiisa Barcelona kadib markii maamulka kooxda reer Spain aysan wax jawaab ah ka bixin heshiis kordhintiisa.

Warar si lama filaan ah ku soo baxay ayaa sheegaya in Tottenham ay si gaar ah u bartilmaameed sanayso Jordi Alba suuqa xaggaagan.

Jordi Alba ayaa la waydiiyay wararkaas kadib kulankii xalay ee Iran, wuxuuna yiri:

“Barcelona ayaan ku faraxsanahay, waxaan jeclahay noloshayda oo idil inaan iska sii joogo Barca haddii arinku uu yahay mid aniga igu xiran”.

“Marnaba naftayda uma arko meel ka baxsan Barcelona”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close