Didier Drogba oo si aad ah u amaanay Cristiano Ronaldo kuna tilmaamay inuu yahay kan ugu wanaagsan

(Russia) 21 Juunyo 2018. Halyayga kooxda Chelsea Didier Drogba ayaa ku ammaanay Cristiano Ronaldo bandhiga wanaagsan uu ka sameenayo koobka aduunka 2018 labadiisa kulan ugu horeesay uu ciyaaray.

Cristiano Ronaldo ayaa haatan hogaaminaya gool dhalinta koobka aduunka 2018, wuxuuna dhaliyay 4 gool.

Drogba ayaa carabka ku adkeeyay in Ronaldo uu yahay weeraryahanka ugu fiican aduunka, isagoo sheegay inuu awood u leeyahay inuu go’aan ka gaaro kulamada oo dhan.

“Waa weeraryahanka ugu fiican aduunka xiligan la joogo”.

“Waa ciyaaryahan dhamaystiran, wuxuu ku dhalin karaa madaxa, lugta bidix iyo tan midig, xili kasta wuxuu sameeyaa hormar, xaqiiqda Ronaldo waa mid cajiib ah”.

“Xaalada ugu adag ee difaac kasta waa inuu ka hor yimaado Cristiano Ronaldo, ma aawoodid inaad joojiso dhaq dhaqaaqiisa, sababtoo ah wuxuu ka dhaqaaqayaa dhinac kasta”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close