DAAWO Sawiradii laga qabtay goolhaye Willy Caballero kadib goolkii uu isku salaxay

(Moscow) 21 Juunyo 2018 Goolhayaha kooxda Chelsea ee Willy Caballero ayaa niyad jabiyay shacabka reer Argentina kadib markii uu isku salaxay gool.

Willy Caballero ayaa gool niyad jab leh u horseeday in laga dhaliyo xulkiisa Argentina kadib markii uu dhiibtay goolkii laga dhaliyay.

36 jirkaan ayaa madaxa qabsaday oo aad ula yaabay qaladka lama filaan ka ah ee uu u horseeday xulkiisa Argentina.

Xulka qaranka Argentina ayeey u badan tahay inuu isaga hari doono koobka adduunka kadib markii laga dhaliyay goolkii 2-aad.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close