Croatia oo God Dheer ku Riday Rajada Argentina ee Koobka Adduunka iyagoona Bahdilyay Kulankii ay isaga hor yimaadeen Group D

( Russia ) 21 Juunyo 2018. Croatia ayaa xaqiijisay in ay gareen wareega 16 markii ay ku raaxeyteen xulka Argentina cayaar ku dhamaatay 3-0.

Kulanka ayaa lagu kala nastay qeybta kowaad 0-0, iyadoo labad dhinac ay sameyay dhawr halis oo goolka ah.

Laakiin goolka kowaad cayaarta ayaa yimid markii dib loogu soo laabtay kaambiyaha waxaana hogaanka qabtay xulka Croatia iyadoo uu shabaqa u gaaray laacibka Ante Rebic daqiiqadii 53-aad markii uu kubbadda qalday goolhayaha Argentina Wilfredo Caballero.

Argentina iyo xiddigooda weyn ee Leo Messi waxa ay ku fashilmeen inay caadis saran goolka Croatia.

Dhanka kasta ayaa looga kubbadd wancaa xulka koonfur America.

Iyagoo raadinaya barbaraha goolka lagu hogaanimiyao marka waxaa Argentina dhib kusii badiyay kabtanka Croatia Luka Modric oo kubbadd darbad xoogana dhexdhigay goolka daqiiqadii 80-aad.

Cayaarta oo socota daqiiqadihii dheeriga ee lagu daray waxaa Argentina god kusii riday xiddiga Barcelona u dheela ee Ivan Rakitic oo goolka seddaxaad u dhaliyay xulkiisa Croatia.

Hore xulka Argentina ayaa si aad u adag kaga soo baxay kulamadii isreeb-reebka koobka adduunka ee koonfur America iminkana waxay u muuqataa mid ay luntay rajadooda tartanka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close