Chicharito oo fariin digniin ah u diray taageerayaasha xulka Mexico ka hor kulanka South Korea

(Moscow) 21 Juunyo 2018 Weerar yahanka xulka qaranka Mexico ee Javier Hernandez Chicharito ayaa uga digay taageerayaasha xulkiisa inay dib u sameeyaan wixii ay sameeyeen kulankii Germany.

Taageerayaasha xulka Mexico ayaa aflagaadeeyay goolhayaha xulka Germany ee Manuel Neuer, FIFA ayaana ku riday xiriirka kubadda cagta Mexico bixinta lacag dhan 10 kun oo doolar oo ganaax ah.

Javier Hernandez oo ka cabsi qaba in taageerayaasha xulkiisu ay dhibaato u horseedaan ayaa uga digay inay markale sameeyaan wixii ay sameeyeen kulankii Germany.

“Dhamaan taageerayaasha Mexico ee soo galaya garoomada, ha ku qaylinina ereyo aflagaado ah, yaan na loo horseedin ganaaxyo kale” ayuu ku soo qoray bartiisa Instagram-ka.

Xulka Mexico ayaa la ciyaaraya xulka qaranka South Korea sabtiga kadib guushii ay ka soo gaareen xulka qaranka Germany.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close