Yaa loo doortay xiddiga garoonka kulankii Uruguay vs Saudi Arabia?

(Moscow) 20 Juunyo 2018 Xulka qaranka Uruguay ayaa iska xaadiriyay wareega 16-ka kadib guul ay ka gaareen xulka qaranka Sucuudiga.

Luis Suarez oo caawa u ciyaaray xulkiisa kulankii 100-aad ayaa u dhaliyay halka gool ee lagu go’aamiyay natiijada ciyaarta.

FIFA ayaa u dooratay Luis Suarez inuu yahay xiddiga garoonka kulankii soo idlaaday goor dhaw maadama uu guul farta ka saaray xulkiisa.

Xulka Uruguay ayaa ku wehlin doona xulka Ruushka xulalka ka soo baxay guruub A, Masar iyo sucuudiga ayaana ka haray koobka.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close