Saakay iyo waxyaabihii ay Wargeysyada ka qoreen Suuqa kala iibsiga Ciyaartoyda

(Europe) 20 Juunyo 2018. Waxaan dib u amba qaadi doonnaa xubinteenii Saakay iyo Wargeysyada oo inoo socon doona inta uu ka xiramayo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda insha’alaah.

Waxaan si joogta ah idin kugu soo gudbin doonaa wararka Xanta ee ku aadan ciyaartoyda inta uu furan yahay Suuqa.

Wakiilka Maurizio Sarri ayaa soo gaaray London, 59 jirka leylin jiray Napoli ayaa ugu dambeyn lagu wadaa inuu Macallinka Chelsea ka badelo Antonio Conte. (Sky Sports)

Sarri ayaa bartilmaameedkiisa sare ka dhigtay weeraryahanka Belgium iyo kooxda Napoli Dries Mertens, 31-jirka marka uu qabto xilka Stamford Bridge. (Telegraph)

Halyeygii hore ee Chelsea Gianfranco Zola ayaa sheegay inuu ku jiro wada hadalo uu dib ugu soo laabanayo kooxdiisii hore si uu uga mid noqdo tababarayaasha. 51-jirka reer Talyaani ayaa u soo ciyaaray Blues sanadihii u dhexeeyay 1996 iyo 2003. (Sun)

Xiddiga Qadka dhexe Liverpool Emre Can ayaa Usuucan Tijaabada caafimaad u mari doona Juventus. Reds ayaa xaqiijisay in 24 jirka reer Germany uu Anfield ka tagi doono xagaagan. (Mail)

Crystal Palace ayaa u bandhigi doonta Wilfried Zaha mushaar uu usbuuciiba ku qaadanayo 120,000 si ay u sii ceshato 25-jirka garabka kaga ciyaara Evory Coast, kaa oo soo jiita xiisaha Tottenham. (Mirror)

Arsenal ayaa usbuucan wada hadalo la yeelan doonta wakiilka laacibka reer Argentina ee qadka dhexe kaga ciyaara Sevilla Ever Banega 29-jir. (Mirror)

Tottenham iyo Arsenal ayaa soo galay tartanka lagula soo saxiixanayo weeraryahanka Liverpool Rhian Brewster. 18-jirka reer England weli ma saxiixin qandaraaskiisii ugu horreeyay ee xirfadlenimo. (Sun)

West Ham ayaa 35 milyan oo bound ku dooneysa xiddiga qadka dhexe reer Brazil ee kooxda Lazio Anderson, 25-jir. (Mail)

Tottenham ayaa isha ku heysa 21-jirka reer France ee qadka dhexe kaga ciyaara Lyon Tanguy Ndombele, laakiin wax xiriir ah lama aysan sameyn kooxda ka dhisan Ligue 1. (Sky Sports)

PSG ayaa wada hadalo la bilowday kooxaha Roma iyo West Ham ee ku aadan eeibita xiddigeeda qadka dhexe ee reer Argentina Javier Pastore 28-jir. (ESPN)

Waxaa kuu Diyaariyay: Abdisamed Mohamed Hassan (Black Yare)

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close