Koulibaly oo xaqiijiyay in Chelsea ay la wareegtay tababare Sarri

(London) 20 Juunyo 2018 Daafaca kooxda Napoli iyo xulka Senegal ee Kalidou Koulibaly ayaa xaqiijiyay in Chelsea ay la wareegtay tababare Maurizio Sarri.

Koulibaly ayaa u sheegay taageerayaasha kooxda Chelsea inay fishaan kubadd qurxoon wixii haatan ka danbeeya maadaama ay heleen tababare wayn sida uu hadalka u dhigay.

Image result for Sarri Chelsea

Wuxuu u rajeeyay tababarihiisii hore inuu guulo la gaaro kooxda Blues oo aan wali ku dhawaaqin saxiixa tababaraha reer talyaani.

“Waxaan rumaysanahay in taageerayaasha Chelsea ay suurogal tahay inay fishaan kubadd qurxoon waayo isagu waa tababare wayn” ayuu yiri Koulibaly.

“Waan ka xumahay waayo siima ahaan tababaraha Napoli, laakiin haatan waxaan haysanaa Ancelotti oo isna ah tababare wayn”.

“Waxaan rajaynayaa in tababare Sarri uu wax uun ku la guulaysto Chelsea waayo waa tababare wayn, Chelsea waa inay siisaa waqti ku filan waayo wuxuu badali doonaa qaabka ay u ciyaaraan”.

“Ciyaartoyda iyo taageerayaasha Napoli aad ayeey u jeclaayeen kubadda uu soo bandhigayo, waxaan rumaysanahay in arinkaas oo kale uu ka dhici doono London”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close