RASMI: Ateletico Madrid oo dhammeystirtay Saxiixa Thomas Lemar isla markaana qandaraasyo waqti dheer ka saxiixatay Griezmann iyo….

(Europe) 19 Juunyo 2018. Ateletico Madrid ayaa ugu dambeyn Heshiis Shan sano ah ka saxiixatay xiddigooda Antoine Griezmann iyagoona sidoo kale dhammeystiray saxiixa laacibka Monaco ee Thomas Lemar.

Griezmann ayaa si wayn lala xiriirinayay inuu cago dhigan doono gegada Camp Nou ee kooxda Barcelona iyadoo uu xitaa Messi ka hadlay inuu gacmo furan ku soo dhaweyn doono.

Balse laacibka reer France ayaa niyad jabiyay kooxda xafidaneysa La Liga kaddib markii uu Atletico u saxiixay qandaraas ilaa 2023.

Madaxa fulinta ee kooxda ka dhisan Caasimadda Spain ee Miguel Angel Gil Marin ayaa loo ogolaaday inuu Faransiiska ku soo booqdo Ruushka.

Wuxuuna taageerayaasha Atletico uga farxiyay inuu dhammeystiray saxiixa Thomas Lemar isagoona sidoo kale qandaraasyo waqti dheer ah ka saxiixday wiilasha kale ee reer France Antoine Griezmann iyo Lucas Hernandez, kaa oo isna kooxda la sii joogi doona ilaa 2024.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close