Marco Reus oo sheegay sababtii uusan ugu soo bilaaban kulankii Mexico

(Moscow) 19 Juunyo 2018 Xiddiga xulka Germany ee Marco Reus ayaa ka hadlay sababtii uusan ugu soo bilaaban kulankii Mexico.

Marco Reus ayaa ku soo bilowday keydka kulankii xulka Germany ay guul daradu ka soo gaartay xulka qaranka Mexico oo 1-0 uga adkaaday.

29 jirkaan ayaa sheegay in tababare Joachim Low uu xerada tababarka ugu sheegay inuusan ku soo bilaabanayn kulanka Mexico.

“Tababare Joachim Low ayaa iigu sheegay xerada tababarka in aanan ku soo bilaabanayn kulanka Mexico” ayuu yiri Marco Reus.

“Wuxuu ii sheegay in tartanka koobku uu yahay mid dheer isla markaana uu ii baahan yahay kulamada muhiimka ah”.

“Waxaan haysanaa ciyaartoy waa wayn, dhamaantood waan u baahanahay, sidaas ayaan ku heshiinay”.

“Dabcan niyad jab ayaan dareemayaa waayo bilowgiiba kuma soo bilaaban ciyaarta, sidoo kale waxaa jiray ciyaartoy ka ciyaarayay boosas aysan lahayn”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close