Liverpool oo go’aamisay qiimaha ay ku iibineyso weeraryahankeeda Daniel Sturridge

(Liverpool) 19 Juunyo 2018. Kooxda reer Spain ee Sevilla ayaa mar kale muujisay xiisaha ay u qabto saxiixa  weeraryahanka Liverpool Daniel Sturridge sida ay qortay saxaafada.

28 jirka reer England ayaa wuxuu qeybtii labaad ee xili ciyaareedkii lasoo dhaafay wuxuu qaab amaah ugu soo ciyaaray kooxda West Bromwich Albion, balse xuli ciyaareedka cusub ayuu dib kaga soo muuqan doonaa kooxda Liverpool.

Wargeyska dalka England kasoo baxa ee Telegraph ayaa wuxuu daboolka ka qaaday in kooxda dalka Turkiga ee Fenerbahce ay kula soo biirtay Sevilla loolanka loogu jiro adeega laacibkan.

Balse saraakiisha kooxda Liverpool ayaan hoos kaga dhigi doonin qiimaha ay ku iibinayaan Daniel Sturridge hadiiba ay ka fasaxayaan garoonka Anfield aduun lacageed gaarsiisan 15 million pounds.

Daniel Sturridge ayaa ka harsan heshiiskiisa kooxda Liverpool hal sano oo kaliya waxaana laga yaabaa inay go’aansado sii joogi taanka kooxda reer England ama inuu kaga dhaqaaqo xili ciyaareedka soo aadan beeca xurta ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close