“Kama cabsanayno Argentina iyo Messi” – Dejan Lovren oo fariin taan u diray Messi iyo asxaabtiisa

(Moscow) 19 Juunyo 2018 Daafaca xulka qaranka Croatia ee Dejan Lovren ayaa ka sheekeeyay qaabka xulkiisu uu u celinayo Lionel Messi.

Argentina ayaa barbaro 1-1 ah la gashay xulka Iceland, Messi ayaana gool ku laad ka khasaariyay xulkiisa kulankaas.

Kulanka labaad ayeey la ciyaari doonaan Croatia oo 2-0 uga soo adkaatay xulka qaranka Nigeria, Dejan Lovren ayaana ku faraxsan inuu ka hortago Messi kadib markii uu horay ula soo ciyaaray Ronaldo iyo Neymar.

Image result for Lovren Croatia vs Messi

“Sharaf wayn ayeey ii tahay inaan ka hortago ciyaartoyda ugu fiican adduunka, isbuucyo ka hor waxaan ka hortagay Ronaldo, 2-isbuuc ka horna Neymar haatana Messi” ayuu yiri Dejan Lovren.

“Tani waa riyadaydii yaraanta oo ah inaan ka hortago ciyaartoyda ugu fiican adduunka, kama cabsanayno Messi, Iceland shaqo cajiib ah ayeey qabteen sida ay difaaca uga xirteen Messi”.

“Hal laacib laguma celin karo Messi, sidaas darteed waa inaad uga hortagtaa ka koox ahaan, waxaan rumaysanahay inaan qaab fiican ku dhamaysan karno ciyaarta”.

“Kama cabsanayno Argentina, inkasta oo ay haystaan laacibka ugu fiican, waan garanaynaa sida loola ciyaaro xulalka waa wayn”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close