Jose Mourinho oo kaga digay xulka qaranka Russia halista kaga imaan karta Mohamed Salah kulanka caawa

(World Cup) 19 Juunyo 2018. Tababaraha Manchester United Jose Mourinho ayaa carabka ku adkeeyay sida uu muhiim u yahay kulanka ay ku wada ciyaari doonaan xulalka Russia iyo Masar group-ka A ee koobka aduunka.

Jose Mourinho oo falaqeenayay koobka aduunka 2018 gaar ahaan kulanka Russia iyo Masar ayaa xaqiijiyay xulalka Masar iyo Russia ay awood ahaan ka hooseeyaan marka loo firiyo Uruguay.

“Waxa uu qaban doono xulka Masar waxay ku xiran tahay waxa uu Mohamed Salah ka sameyn karo kulankan”.

“Ruushka waa in uu joojiyaa Mohamed Salah, sababtoo ah wuxuu sameenayaa isbadal, haddii Ruushku uu doonayo inuu garaaco Masar waa inuu kahor tagaa halista Salah”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close