Halyayga xulka qaranka Germany Stefan Effenberg oo ka dalbaday Joachim Low inuusan safin Mesut Ozil

(World Cup) 19 Juunyo 2018. Halyayga xulka qaranka Germany Stefan Effenberg ayaa ka codsday macalinka xulka Germany Joachim Low inuusan safin xidiga kooxda Arsenal Mesut Ozil kulamada koobka aduunka.

Mesut Ozil ayaa ka qeyb qaatay 90-ka daqiiqo kulankii ugu horeeyay uu xulka Germany ka ciyaaray koobka aduunka 2018, kaasoo qasaaro 1-0 ay kala kulmeen dhigooda Mexico.

Si kastaba Stefan Effenberg ayaa ka hadlayay qaab ciyaareedka Mesut Ozil uu bixiyay kulankii lasoo dhaafay wuxuuna dalbaday in aan dib dambe loo safin.

‘Joachim Low waa in Mesut Ozil uu dhigaa kursiga keydka, isla markaana uu badalkiisa safaa Marco Reus”.

“Weli ma fahmin sababta uusan u ciyaarin Marco Reus kulankii Mexico, dabcan macalinka wuuu ku qaldanaa in sidaas uu sameeyo”.

“Sababtoo ah kulanka ugu adage e group-kan ayaa ahaa kulankii ay wada ciyaareen Mexico iyo Germany”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close