“Grethe Bale waa Laacib Manchester United ah.”.- Ryan Giggs

(Europe) 19 Juunyo 2018. Gareth waa Laacib Manchester United ah sida uu qabo rugcdaagii hore ee kooxdaas iyo Ryan Giggs isla markaana ah macallinka dhawaan galka ah ee xulka Wels.

Bale ayaa liiska xagaaga ugu jira Manchester United iyadoo ay suuro gal tahay inuu Real Madrid ka soo tago xagaagan.

Wiilka reer Wales ayaa labo gool u dhaliyay Los Blancos Finalkii Champions League ay 3-1 uga badiyeen Liverpool mar uu badel ku soo galay.

Laakiin Bale ayaa la dhibtoonayay boos joogta ah uu ka waayay Real Madrid xagaagii tagay waxaana la aaminsan yahay inuu damaanad qaad boos joogta ah ka doonayo macallinka cusub ee kooxda Julen Lopetegui.

Gareth Bale Manchester United Real Madrid

Yeelkeede, Manchester United ayaa sugeysa inay gacmo furan ku soo dhaweyso Bale.

“Waxaan noqon doonaa taageere Man United oo faraxsan, waa hubaal midaa,” Ryan Giggs ayaa sidaa yiri.

“Waxaan aaminsanahay inuu yahay ciyaaryahan Manchester United ah. Waxaaan aaminsanahay in taageerayaasha ay jeclaan doonaan isaga.

“Taageerayaashu way jeclaan doonaan laakiin sida aan horey u iri, wuxuu joogaa koox uu kula guuleystay saddex Champions League sidaa darteed muxuu u tagayaa?”.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close