DEG DEG: Jack Wilshere oo si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu isaga tagayo Arsenal

(London) 19 Juunyo 2018 Jack Wilshere ayaa qaatay go’aan adag, wuxuuna si rasmi ah u shaaciyay inuu isaga tagayo kooxdiisa Arsenal.

Qandaraaska Jack Wilshere ee Arsenal ayaa dhacaya dhamaadka bishaan, wuxuuna sheegay inuu macsalaamaynayo kooxdiisa marka uu dhamaysto qandaraaskiisa.

Jack Wilshere ayaa bayaan dheer oo uu soo dhigay bartiisa Instagram-ka ku shaaciyay inuu ka tagayo Arsenal dhamaadka bishaan June.

“Waxaan xaqiijinayaa inaan isaga tagi doono kooxda kubadda cagta Arsenal marka uu dhaco qandaraaskeyga dhamaadka June” ayuu soo qoray Jack Wilshere.

Wilshere ayaa xaqiijiyay in go’aan kaan uu u qaato arimo la xiriira kubadda cagta kadib markii uu si gaar ah u la kulmay kooxda iyo waliba tababare Unai Emery.

17-sano kadib, Jack Wilshere ayaa si rasmi ah u macsalaamaynaya Arsenal maalmo yar gudahood.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close