Cesc Fàbregas oo ku jees jeesay saaxiibkiis Thibaut Courtois kadib kulankii Panama ee koobka aduunka 2018

(Russia) 19 Juunyo 2018. Xidiga khadka dhexe reer Spain iyo kooxda Chelea Cesc Fàbregas ayaa ku jees jeesay saaxiibkiisa reer Belgium Thibaut Courtois, kadib kulankii Panama ee koobka aduunka 2018.

Cesc Fàbregas ayaa wuxuu soo dhigay baraha bulshada gaar ahaan bartiisa rasmiga ah ee Twitter-ka sawirka Thibaut Courtois oo sameenayay mid ka mid ah badbaadinta weeraradii uu la kulmay inta lagu gudi jiray kulankii Panama.

Waxaa xusid mudan in xulka qaranka Belgium uu guul ku gaaray 3-0, xili Thibaut Courtois uu si xoogan u difaacay xulkiisa inta uu kulanka socday.

Cesc Fàbregas ayaa sawirka uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka wuxuu soo raaciyay qoraal yar ee ku aadanaa “Ugu dambeyntii waxaan kaa xiray lugaha”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close