Brazil oo dacwad ka gudbisay garsoorihii dhex dhexaadiyay kulankii Switzerland

(Moscow) 19 Juunyo 2018 Xiriirka kubadda cagta dalka Brazil ayaa dacwad ka dhan ah garsoorihii dhex dhexaadiyay kulankii Switzerland u gudbiyay FIFA.

Brazil ayaa u sheegtay FIFA inaysan la dhicin qaabkii garsooruhu uu u maamulayay kulankii ay 1-1 la galeen xulka qaranka Switzerland.

Xiriirka Brazil ayaa cabasho ka muujiyay in garsooruhu uu diiday inuu dib u daawado qaladkii uu sameeyay Steven Zuber ka hor intii uusan dhalin goolka.

Steven Zuber oo goolka barbaraha u dhaliyay xulka qaranka Switzerland ayaa kala tuuray daafaca xulka Brazil ee Miranda ka hor inta uusan dhalin goolka.

Waxayna codsadeen in dib loo daawado dhacdadii goolka looga dhaliyay isla markaana si gaar ah loo baaro qaladaadkii uu garsooruhu ka galay xulka Brazil.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close