Napoli oo kala hadashay Arsenal suurogalnimada saxiixa goolhaye Petr Cech

(Napoli) 18 Juunyo 2018 Kooxda Napoli ayaa u muuqata mid si wayn u doonaysa goolhayaha kooxda Arsenal ee Petr Cech kaas oo sii duqoobaya.

Di Marzio ayaa daaha ka qaaday in kooxda Napoli ay la xiriirtay dhigeeda Arsenal, waxayna wax ka waydiisay suurogalnimada ay ku qaadan karto Petr Cech.

Napoli ayaa u sheegtay Arsenal inay amaah ku doonayso goolhaye Petr Cech kaas oo ah 36 jir, laakiin Gunners wali kama bixin jawaab.

Qorshaha tababare Ancelotti ayaa ah inuu helo suuqa xaggaagan goolhaye Petr Cech, wuxuuna u weecan doonaa goolhayaha PSG ee Areola haddii Arsenal ay diido inay amaah ku siiso goolhaye Cech.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close