Maxaa Laga Bartay Guusha ay England ka Gaartay Tunisia kulankooda Furitaanka Koobka Adduunka

( Russia ) 18 Juunyo 2018. Xulka  England ayaa guul xili dambe ah ka gaaray Tunisia kulankooda koowaad ee koobka adduunka 2018.

Dhaliyaha kooxda Tottenham ahna Kabtanka xulka Harry Kane ayaa noqoday geesiya guusha ku hogaamiyay xulkiisa isagoona dhaliyay labada gool ay ku adkaadeen.

Inkastoo kooxda qaarada Africa ee Tunisia ay cayaar wanaagsan soo bandhigeen balse waqti dambe ayaa laga dhaliyay goolka guusha ku raacday xulka seddxada lixaab lagu naaneyso waxayna dheeshu ku idlaatay 2-1.

Habada maxaa laga bartay kulanka.

Harry Kane ayaa dhaliyay goolkii u horeyay ee England Tartamada waa weyn, isagoo guud ahaan tuuray 15 shuud (13 waa koobka qaramada Euros, 2 waa koobka adduuunka).

Shaxda xulka England ayaa dhamaantood xulka u saftay 248 kulan; waana safashadii ugu yareen koox England mataleysa ee cayaarto tartan wayn tan iyo bishii June 1962 oo saf guud ahaan cayaaray 246 kulan ay xulka u dheeleen kulan ay wajaheen Bulgaria.

Ferjani Sassi goolka uu ka dhaliyay England waa rigooradii u horeysay ee laga dhaliyo kulan koobka adduunka ah tan iyo bishii 1998 marakaan waxaa rigoore ka dhaliyay Gabriel Batistuta kulan ay la cayaareen Argentina.

England ayaa sameysay lix shuud ilaa hataan qeybta koowaad, waana shuudadkii ugu badnaa ay kaambiyo sameyaan tan iyo  1966 markaa oo ay afar dhamaadkii lix darbo ku tureen goolka Portugal qeybta hore dheesha.

Harry Kane ayaa iminka dhaliyay 15 gool 25 kulan uu u saftay England; cayaariyahankii u dambeyay ee goolal intaa ka badan  dhaliyay 25 kulan ee u horeya kulamada xulka England wuxuu ahaa Gary Lineker oo dhaliyay 20 gool.

England ayaa gool ku dhalisay markii u horeysay 90 daqiiqo cayaar koobka adduunka ah.

Harry Kane waa cayaariyahankii u horeyay ee gool ka dhaliyay laba goolhaye hal cayaar oo koobka adduunkaa tan iyo Diego Forlan oo ka dhaliyay South Africa 2010.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close