Yaa noqday xidigii ugu fiicnaa garoonka kulankii dhex maray xulalka Brazil iyo Switzerland?

(Russia) 17 Juunyo 2018.Philippe Coutinho ayaa loo magacaabay xidigii ugu fiicnaa garoonka kulankii dhex maray xulalka Brazil iyo Switzerland ee kusoo idlaaday barbaro 1-1.

Brazil ayaa barbaro niyad jab ah la gashay xulka qaranka Switzerland kulankoodii koowaad ee koobka aduunka 2018.

Philippe Coutinho ayaa kulanka ka sameeyay bandhig cajiib ah, wuxuuna dhaliyay gool aad u qurux badan taasoo ka caabisay in loo aqoonsado inuu ahaa xidigii ugu fiicnaa garoonka.

– Coutinho ayaa inta uu kulanka ku gudi jiray wuxuu tuuray 4 shuut

– wuxuu kubada taabtay 89 jeer

– cel celis ahaan baasaskii uu sameeyay ayaa gaarsiisnaa 90%

– 69 ka mid ah ayaa guuleestay 77 baas uu sameeyay.

– wuxuu gambiyay hal jeer waana uu ku guuleestay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close