Xulka Brazil oo Barbaro la Galay Switzerland kulankooda Furitaanka Cayaaraha Adduunka

( Russia ) 17 Juunyo 2018. Brazil iyo Switzerland ayaa cayaartooda furitaanka koobka adduunka ku dhameystay barbaro 1-1.

Qeybta hore ayaa lagu kala maray 1-0 waxaana daah furay cayaarta xiddiga Philippe Coutinho kadib markii uu darbad xoogan dhex dhigan goolka Switzerland daqiiqadii 20-aad.

Waxayna dheeshu aheyd mid weerar iyo weerar celis ah labada xulka waxa ay soo ban dhigeen cayaar aad u wanaagsan.

Dib markii loogu soo laabtay kaambiyaha dambe Switzerland ayaa la timid goolka barbaraha waxaana madax ugu dhaliyay daqiiqadii 50-aad laacibka Steven Zuber kadib kubbadd koorna aheyd.

Cayaariyahanada Brazil ayaa sameyay dhawr fursadood oo halis ah waxaana kamid ahaa kubbadd uu goolka dhinaciisa marsiiyay Countinho.Sido kale Neymar ayaa laga badbaadiyay madax halis ahaa.

Dhamaadkii cayaarta Firmino oo badal kusoo galay ayaa isna laga badbaadiyay madax uu ku tuuray goolka.

Xulka jaalayaasha ayaa goolka Switzerland ku tuuray 15 shuud balse aan u suura galin inay garaan guul kulankooda furitaanka koobka adduunka.

Waxaana Group E hogaamineysa Serbia oo galabta guul 1-0 kaga adkaatay Costa Rica.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close