Taariikhda oo sheegaysa in xulka Germany uu ku hari doono wareega guruubyada (Aqri waxa ay qorayso Taariikhda)

(Moscow) 17 Juunyo 2018 Taageerayaasha xulka qaranka Germany ayaa wajahaya cabsi ku aadan taariikhda oo qoraysa in xulku uu ku harayo wareega guruubyada.

Germany oo difaacanaysay koobka adduunka ayaa caawa ku furatay kulankii ugu horeeyay guul daro kadib markii xulka Mexico uu uga adkaaday 1-0.

Hadaba Taariikhdu maxay qoraysaa:

2006: Xulka qaranka talyaaniga ayaa ku guulaystay koobka adduunka, waxayna ka qaadeen xulka France.

2010: Xulka qaranka Talyaaniga ayaa barbaro 1-1 ah ku bilowday koobkii adduunka ee xigay oo ay la galeen xulka qaranka Paraguay, ugu danbayn talyaanigu wuxuu ku haray wareega guruubyada.

2010: Xulka qaranka Spain ayaa ku guulaystay koobka adduunka, waxayna ka qaadeen xulka qaranka Holland.

2014: Xulka Spain ayaa ku furtay koobka adduunka guul daro 5-1 oo ay kala kulmeen xulka qaranka Holland, ugu danbayn wareega guruubyada ayuu ku haray xulka Spain.

2014: Xulka qaranka Germany ayaa ku guulaystay koobka adduunka, waxayna ka qaadeen xulka qaranka Argentina.

2018: Xulka qaranka Germany ayaa guul daro ka soo gaartay Mexico ku furtay koobka adduunka ee haatan socda.

Su’aasha ayaa ah taariikhdaas aan soo sheegnay ma sii socon doontaa?

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close