RASMI: Alan Dzagoev oo seegaya kulanka Masar

(Moscow) 17 Juunyo 2018 Xiriirka kubadda cagta dalka Ruushka ayaa xaqiijiyay in laacibkooda Alan Dzagoev uu seegayo kulanka Masar.

Xulka Ruushka ayaa la ciyaaraya kulankiisa labaad ee koobka adduunka xulka qaranka Masar oo guul daro ay ka soo gaartay Uruguay.

Alan Dzagoev ayaa laga saaray qaybtii hore ee kulankii xulkiisu uu 5-0 uga akaaday xulka qaranka Sucuudiga kadib dhaawac dhanka muruqa ah oo soo gaaray.

Xitaa lama hubo in Alan Dzagoev uu taam u noqon karo kulanka xiga ee xulka Ruushku uu la ciyaarayo Uruguay kaas oo ah kulanka ugu danbeeya ee wareega guruubyada.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close