“Rakic, Modrić iyo Kovačić waxay iga caawin doonaan sida aan ku joojin lahaa Lionel Messi”… Zlatko Dalić

(Moscow) 17 Juunyo 2018. Macalinka xulka qaranka Croatia Zlatko Dalić ayaa wuxuu sheegay in Ivan Rakitić uu kala tashan doono sida lagu joojin lahaa saaxiibkiis kooxda Barcelona Lionel Messi, kulanka ay wada ciyaari doonaan kulalka Argantina iyo Croatia.

Zlatko Dalić ayaa shir jaraa’id uu kasoo muuqday wuxuu kaga hadlay kulanka ay la ciyaari doonaan Argantina.

“Dabcan Rakic wuxuu noqon doonaa caawiyahayga seddexda maalmood ee soo socota”

“Waxaa hubaal ah inaan raadineyno talooyin ku saabsan sidii aan u joojin laheyn Messi”.

“Waxaan xili kasta weydiiyaa xaaladahan oo kale, waxaan jeclahay inaan la xiriiro xili kasta, waxaana jeclahay inaan ka helo macluumaad’.

“Ivan Rakitić wuxuu sidoo kale jecel yahay inuu sidaas sameeyo, wuxuuna ii sheegi doonaa, wax walba ee macluumaad ah ee arintan ku saabsan sida ugu macquulsan”.

“Luka Modrić iyo Mateo Kovačić waxay sidoo kale iga caawin doonaan arintan, maadaama uu macalinkoodii hore ee Zidane uu arintan u soo adeegsaday in badan”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close