Rafael Marquez oo rikoodh taariikhi ah ka sameeyay koobka aduunka kulankii Germany

(Russia) 17 Juunyo 2018. Difaaca waayeelka ah ee xulka qaranka Mexico Rafael Marquez ayaa magaciisa ku qoray taariikhda koobka aduunka, kadib markii uu qaab badal ah ku yimid kulankii uu xulkiisa kaga daah furtay koobka aduunka 2018.

39 jirkan reer  Mexico ayaa wali ka ciyaara horyaalka dalka Mexico, kadib markii uu soo qaatay xirfad dheer ee guulo badan, kadib markii uu qeyb ka soo noqday kooxaha Barcelona, Lyon iyo Monaco.

Rafael Marquez ayaa qaab badal kusoo galay kulankii dhawaan uu xulkiisa Mexico guul ka gaaray dhigiisa Germany daqiiqadii 73-aad ee qeybtii labaad ciyaarta.

Marquez ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay taariikhda ee hogaamiya xulkiisa qaranka Mexico shan tartan ee kala duwan koobka aduunka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close