Oliver Kahn: “Waa inaan faraxsanaanaa, sababtoo ah….”

(Moscow) 17 Juunyo 2018. Halyayha reer Germany Oliver Kahn ayaa wuxuu sheegay in ay muhiim tahay in ay ku farxaan guuldarada 1-0 ahayd ay kala kulmeen xulka Mexico.

Oliver Kahn ayaa u sheegau shabakada “ZDF” ee dalka Germany:

“Xulka Germany wuxuu la kulmay dhibaato badan, gaar ahaan marka ay la ciyaaraan xulalka sida Mexico oo kale, oo maanta u ciyaaray si bahalnimo ah”.

“Waxaan ku dhawaanay inaan la kulano goolal intaas ka badan, sidaas darteed waa inaan faraxsanaanaa, sababtoo ah waxaa inaga dhashay hal gool oo kaliya”.

Isku soo wada duub xulka qaranka Mexico ayaa guul cajiib ee lama filaan ah ka gaaray difaacayaasha koobka aduunka ee Germany, kadib markii ay dhagta ciida ugu dareen 1-0.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close