Muxuu ka yiri macalinka xulka qaranka Germany Joachim Low guuldaradii kasoo gaartay Mexico?

(Russia) 17 Juunyo 2018. Macalinka xulka qaranka Germany Joachim Low ayaa ka hadlay guuldaradii kasoo gaartay xulka Mexico kulankii ay kaga daah furteen koobka aduunka 2018 Group F.

“Guuldarada  kulanka ugu horeeya waa niyad jab aad u xoogan, sababtoo ah ma aanan caadeysanin in aan sidaan la kulano tartamadii lasoo dhafay, sida caadiga ah waxaan guuleysan jirnay kulanka ugu horeeya”.

“Waxaa jira dhibaatooyin badan loo baahan yahay inaan wanaajino kulamada soo aadan ee koobka aduunka 2018”.

“Waxaan u ciyaarnay qaab liita qeybtii hore ee ciyaarta, mana sameenin qaabkii ugu fiicnaa, waxaan sameenay weeraro iyo baasas aanan noqonin kuwo wax ku ool ah”.

“Waxaan u cadaadinay si adag qeybtii labaad ee ciyaarta, laakiin Mexico waxay sameessay gadaal u garasho, waxaan sameenay shuudad badan, balse ma noqon sida la rabay”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close