José Mourinho oo ka hadlay rigoodhadii uu Lionel Messi ka qasaariyay xulka qaranka Argantina

(Russia) 17 Juunyo 2018. Macalinka kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa ka hadlay rigoodhadii uu ku guuldareestay Messi inuu dhaliyo kulankii Iceland.

Jose Mourinho oo arintan kala hadlayay saxaafada ayaa wuxuu u sheegay:

“Mrka aad ku guuldareesato inaad dhaliso rigoodhe koobka aduunka, xili uu xulkaada u baahan yahay gool, taasi waa hubaal in ay saameyn kugu yeelan doonto”.

“Waxaan filayaa in rigoodhadii uu qasaariyay Lionel Messi in ay saameyn ku yeelatay”.

“Waxaan qabaa in natiijada ay ciyaarta kusoo idlaatay ay ahayd mid cadaalad ah, Messi wuxuu ahaa mid gooni ah wuxuu isku dayayay inuu kahor tago hal, labo ilaa iyo saddex laakiin wax waliba way ku adkeyd isaga”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close